Gudoomiye Mursal oo xafladii xalay albaabada laga soo xirtay! Maxaa soo kordhay?

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye Maxamed Mursal oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka iyo qofka labaad ee ee ugu sareeya awooda dalka ayaan xafaladii xuska 26 Juun see xalay lagu qabtay Gobolka Baandir aan soo xaadirn.

Maqnaanshaha Gudoomiye Mursal ayaa  waxa ay ka dhex dhalisay xubanha Baarlamanka dareen iyo hadalhayn. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in maqnaanshaha Gudoomiye Mursal oo aan ahayn qof matala Baarlaamnaka oo kaliya balse sidoo kale matala Beesha Digil iyo Mirrifle ay salka ku haysa dagaal siyaasadeed oo  ka dhaxeeya labada dhinac. Wali ma cada halka uu salka ku hayo dagaalkaas dib u soo cusboonaaday.

Xasan Kheyre ayaa in mudo ah waxa uu ka shaqaynayay in uu kala fogeeye Farmaajo iyo  Mursal si uga nabad gelo mooshin  uu hogaanka u qabto Maxamed Mursal. Inkastoo Kheyre iska fogeeyay in uu qayb ka ahaa mooshinkii  dabayaaqdii sanadkii hore laga keenay Farmaajo hadana waxa la isku raacay in Xasan Kheyre ka danbeeyay in Mooshin laga keeno Farmaajo marka danbana uu isaga sheegto in uu xaliyay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaan wali si buuxda ugu soo guurin guriga gudoomiyaha ee ku yaalo madaxtooyada dhexdeeda.