Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu waddaa in uu saacaddaha soo socda uu la hadlo warbaahinta, islamarkaana uu faahfaahin ka bixiyo warar kala duwan oo ku saabsanaa in xabsi guri laga dhigay.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Gudoomiyaha maanta uu warbaahinta la hadli doono, islamarkaana sidoo kale uu faahfaahin doona halka uu maraayo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.
Qaar ka tirsan Xildhibaanadii Mooshinka keenay ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka boodeen biro dhaadheer oo lagu jaray guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii loo diiday in ay la galaan baabuurtooda.
siakastaba ha ahaatee xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa ah mid cakiran iyadoo madaxda ugu sareysa dalka ay wadaan siyaasadeed maquunis ah oo ku dheehan buubka hantida dadka iyo dalka soomaaliyeed.