Gudoomiye Mursal oo ku wajahan Magaalada Baydhabo

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu berri tago Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiye Mursal ayaa Baydhabo u tagaya sida ugu wanaagsan ay doorasho ugu dhici karto deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa Gudoomiye Mursal waxaa uu kulamo ka waday Magaalada Muqdisho, isagoona la qaadanayay Madaxda ugu sareysa ee Dowlada dhexe, waxaana inta kulanka looga hadlayay arimo ay ka mid yihiin.

1.In Mukhtaar Roobow uu tartamo, islamarkaana aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin

2.In Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo iyo qodobo kale.

Doorashada Koofur Galbeed ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid, iyadoona arintaasi ay saameyn aan wanaagsaneen ku yeelatay Masharixiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada ee Maamulkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!