Gudoomiye Mursal oo ka horyimid go’aankii lagu kala diray Gudiga Maaliyadda

Reading Time: 2 minutes

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku cadeeyay in Gudiga Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka uu shaqadiisa sii wato.

Kala dirista Guddigaan oo xiisad xooggan ka dhex-abuurtay Aqalka Hoose ayaa timid markii uu warbixin soo saarey, taasi oo musuq-maasuq baahsan oo ka jira Wasaarada Maaliyadda iyo gobolka Banaadir.

Bayaanka uu Mursal soo saarey, oo MOL u xaqiijiyeen Xilldhibaano dhowr ah, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiga uu howlahiisa si KMG gaar ah usoo wadan doonan, inkasta oo aanan waqti la caymin.

Gudoomiyaha ayaa geesta kale, shaaciyay in warbixintii musuq-maasuqa soo bandhigtay lasoo marsiin doono habraaca saxda ah ee Golluhu leeyahay si loo horkeeno Gollaha, kadibna ay uga munaaqishoodaan.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka Aqalka Wakiilada rayidka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Laanta Fulinta/xukuumadda ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre inay ka dayso Gollaha faragelinta ay ku hayso.

Qoraalka maanta ayuu soo saaray Gudoomiyaha ka dib markii uu la tashaday xildhibaanada Baarlamaanka iyo sharciyaqaanada la shaqeeya Golaha Baarlamaanka. Sidoo kale waxaa uu la tashaday qaar ka mida beesha caalamka kuwaas oo ku adkeeyay  Gudoomiye Mursal uu ilaaliyo sharciga isla markaana istcimaalo awooda la xisaabtanka ee  uu sharciga siiyay.

Halkaan ka aqriso go’aanka Gudoomiyaha