Gudoomiye Mursal oo fariin u diray Hay’adaha Amaanka

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa todobaad kadib ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday Qarax ka dhacay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay,waxa uuna Alle uga baryay dadkii halkaasi ku geeriyooday in jaxriistiisa jano uu ka waraabiyo intii ku dhaawacantayna uu Alle caafiyo.

Dadkan ayaa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay ka dib markii  ay miino kula qaraxday Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Deegaanka Goofgaduud halkaasna markii ay dadkii ku ganacsanayay isugu yimaadeen ay ku qaraxday,inta la o gyahayna 9 ruux ayaa ku dhimatay dad kaloo sodomeeyo ku dhowna waa ay ku dhaawacmeen.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dhacdadaas dadka shacabka ay ku waxyeeloobeen dadkii  ka dambeeyay na cadaalada la marsiiyo.