Gudoomiye Mursal oo Been Cad ka Sheegay Garoowe. Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Waxaa wax lala yaabo ah in mar waliba ay Madaxdda Dowladda hadda joogto iyo Guddoonka Baralamanka ay tixraac (reference) u qaataan wixii  la qabtay iyo qaabkii loo qabtay 4 sano ka hor, haddii lagu guuleystayna ay ku faanaan inay waddadaas raaceen, haddii laga gaabiyeyna ay eedda halkaas u riixaan, taas oo caddeneysa inuu dalka wali joogo halkii uu joogay maamul ahaan 4 sano ka hor oo aan wax tallaabo ah horay loo qaadin.

Marka shirka Heritage laga weydiiyey Gudoomiyaha Bralamanka Maxamed Mursal waxa dhacaya 8 Febraayo 2021 haddii aan doorasho la qaban, waxaanu ku jawaabay “waxaa dhacaya wixii dhacay 2016 August”. Taas oo dad badano ay aad ula yaabeen in weli 2016 iyo dowladdii hore noo tahay tixraac iyo jidka aan mareyno oo aan uga dayaneyno maadaama aysan dowladdaan jeexan kari weyday wadiiqo yar waddo iskaba dhaafe haba yaraatee.

Mar dambe oo aan dib u eegis ku sameynay waxyaabaha laga soo qaatay dowladdi hore waxaa ugu waaweyn:

  1. Habraaca maaliyadda waa kii afar sano ka hor.
  2. Deyn Cafinta waa tii Afar sano kahor.
  3. Soo celinta Hawada waa tii afar sano ka hor.
  4. Habraaca federaaleynta waxaa uu joogaa halkii uu joogay 4 sano ka hor oo xataa gobolka Banaadir oo ka dhinnaa looma hawl galin.
  5. Doorashadii 2016 ayaa loo noqday oo waxay ahayd inuu dalku gaaro qof iyo cod iyadoo walina dowladdaas uu hogaaminayey Xasan Sheekh ay sameysay asaaskii laga duuli lahaa  oo ay dhistay dowlad goboleedyadii loo baahnaa,  ammaankana ay wax yar ka dhinaayeen in dalka oo dhan in la qabto si loo qabto doorasho qof iyo cod ah oo u qorsheysneyd in ay doorashadaan 2020/21 ahaato.

Markaa iyadooxaaladahaas alagu jiro ayaa waxaa uu GUdoomiye Mursal sheegay wax lala yaabo oo ah in gudoomiyaha barlamaanka uu la soo istaagay:

  1. Aniga shaqo kuma lihi wixii khaldan ee ay hay’adaha fulinta iyo madaxtooyada ku dhaqaaqaan maadaaama aysan jirin maxkamad sare qodob kasta oo uu madaxweynaha jebiyaana waa OK agteyda.
  2. Wuxuu been ka sheegay in Barlamankii 9aad uu shaqeynayey sida ay hadda iyaga u shaqeeyaan. Barlamanka 9aad waxaa albaabada loo laabay maalintii uu waqtigooda dhamaaday waxayna aaden doorasho xildhibaannada. Marka Gudioomiyaha waa Beentiis marka uu leeyahay waxaa la raacayaa wixii markaas lagu dhaqmay oo barlamankii ayaa weli shaqeynaya sidii Nin ay ilmo u dhaleyso gabar ay kala tageen. Ilmahaas ma xaalbaa? Hawsha iyo Sharciyada iyo ansixinta Barlamaanka ma xalaalbaa?
  3. Waxaa kaloo isagana been goobta ka sheegay Mahdi Yatakabaruu oo sheegay inay dowladdii xelligaas ee Cumar Cabdurashiid ay shaqeyneysay. Madaxweynihii Xelligaas Xasan Sheekh ayaa waxaa uu soo saaray Wareegto  amar ahayd oo uu ku laalay dhammaan hawlaha dowladda iyo Barlamaanka marka laga reebo hawl maalmeedya loogu baahnaa socodsiinta hawlaha doorashada iyo dowladda.

Waxaa guud ahaan hawlaha doorashada waday guddigii u sameeyey MW Xasan Sheekh oo ka koobnaa Madaxda DG, gudoomiyahii Barlamanka, RW Dalka iyo ku xigeenkiisii si loo ilaaliyo awood qeybsiga beelaha iyo Madaxweynaha Jamahuuriyadda. Kuwaas oo joogto uga wada hadli jiray waxkasta oo la rabo in la xalliyo ama lagu dhaqaaqo, kuna sameyn jiray wadar ogol.

Sidaas darted Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Maxamed Sheekh Mursal waxaa si u talagal ah been uga sheegay jidkii lagu socday oo uu haddana ka dhigtay inuu yahay jid uu tixraacayo. Haddii uu jidkaas tixraacayo waa in :

  1. Barlamanka la kala diraa oo ay doorasho isu diyaariyaan.
  2. Waa in barlamanka uusan wax sharci cusub ah soo saari Karin, anxsin karinna.
  3. Waa inuu ka noqdaa dhammaan shuruucda khaladka ah ee uu sida sharciga baal marsan oo boobsiiska lagu ansixiyey, sida u kordhinta waqtiga Guddiga Doorashooyinka oo aan wax hawl qaban lix bilood ka bacdina uu waqtiga ka dhamaanayo.
  4. Waa ina laga noqdaa ansixinta Miisaaniyadda waayo lama akhrin ee waa loo codeeyey iyadoo ay joogtay 145 xildhibaan oo kaliya ay joogtay.

Guddiga Madaxda Bannaan ee Doorashooyika Qaranka oo muddo xileedkiisa ay ka hartay dhow bilood, in 6 Sano loo kordhiyo waa khalad waayo sharciga lagu asaasay waxa uu leeyahay loom kordhin karo waqtiga, laguma soo dari karo guddi kale xubnaha ku jiraa guddigaan. Waxaase yaab leh in  Faramajo uu dad ku yiri “Xalima Yarey waa qofka kaliya ee aan hubo inay qaban doonto doorasho aan ku soo noqon karo mar kale, haddii ay tan qaban weyday waa inay tan soo socota qabataa

Isku soo duub 2016 halkii la joogay ayaa laga liitaa waxbana lama qaban, waxayna hayd in qoladii taqaannay waxa ka dhiman iyo qabyadooda loo daayo si ay u dhamesytiraan wixii u qabyeysnaa, waana runta ay tahay inaan maanta ka warwregin ee aan qirnaa inaan khaldannay shalay, walina khaladkii ku soconno.