Gudoomiye Mahad Caraale oo dib loogu soo magacaabi doono Degmada Howl-wadaag  (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Dhowr bil ka hor waxaa degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir loo magacaabay Mahad Cabdi Caraale inkastoo uusan maalin qura tegin xafiiska degmada,waxaana taas  ay sababtay in gudoomiye cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow uu dib uga laabto Magacaabistaasi.

Isqab-qabsi dhinaca beelaha ah oo dhashay ayaa sidoo kale sabab u noqday in Gudoomiye Caraale loo diido in uu xilka la wareego,waxaana loo sababeeyay in uu ka jifo yahay R/wasaare xassan Cali  kheeyre.

Warar hoose oo ay heshay MOL ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in hada dib loosoo magacaabi doono Mahad Cabdi Caraale ka dib markii shaqo gudasho la’aan iyo islaweeynin lagu eedeeyay Cabdi kariin Cali kaar oo hada ah gudoomiyaha Degmada.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”Yariisoow’ gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalmaha soo socda waxaa uu soo saari doono warqada magacaabista ee Degmada Howl-wadaag,waxaana xilka weeyn doono Cabdikariin Cali Kaar.

hadii Gudoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”Yariisoow’  qaado Talaabadaani ayaana la ogeeyn sida loo qancin doono odayaasha Dhaqanka oo markii hore diiday in Caraale lagu wareejiyo xilka gaar ahaan kuwa ku reerka ah Cabdi-kariin oo ku doodaya in aysan heeysan xil kale.