Gudoomiye Lagu dilay Muqdisho Iyo Wararkii ugu dambeeyay!!

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay  Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsaan Degmadaasi iyo qof shacab ahaa

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta  waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafadda Koodka,isla markaana Ragg hubeysan ay toogteen Guddoomiyihii Waaxda Horseed ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir iyo qof kale oo shacab ah,kaasi oo ku sugaan xiliga uu dilka ka dhacayay goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay goobta uu dilka ka dhacay ay gaareen,iyagoo halkaasi ka Meydka Guddoomiyihii Waaxda Horseed

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada iyo dadka shacabka ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here