Gudoomiye Ku Xigeenkii Ururka Dhalinyaradda Degmada Warta-Nabadda oo Muqdisho Lagu Dilay

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxa ay qeybo ka mid ah degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir ku dileyn guddoomiyihii  Ururka Dhalinyarada degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Cabduweli Axmed Maxamed.

Dilka guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay Ka soo horjeedka Masjidka  Cabdala iyo Cowreele,waxaana la sheegay in Ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen

Masuuliyiin ay horkaceysay guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Marxuumka.