Gudoomiye ku xigeenka Gobolka oo lagu Yiri”Shaqo joojin kuma sameeyn kartid Gudoomiyaha yaaqshiid”

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo uu Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyada uu dhaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyaha degmada yaaqshiid Axmed Geedoow ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uusan sharci aheeyn arinkaasi.

Khaalid Cabdi Ibraahim oo wax ka qoro arrimaha Siyaasada islamarkaana darsa Amniga oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan macquul aheeyn in shaqo joojin lagu sameeyo Gudoomiye degmo iyadoo uu maqan yahay masuulkii Gobolka.

Gudoomiye Ku xigeenka dhinaca maaliyada ee Maamulka gobolka banaadir ayuu ugu baaqay in uu ilaaliyo sharciga iyo kala dambeeynta oo uuna wax walbo ka dhigin sida rabitaankiisa ah.

Maahan markii ugu horeeysay oo uu sameeyo fal nuucaan ah Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyada Ee Maamulka Gobolka Banaadir Xusseen Maxamed Nuur