Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad ayaa si xoog leh uga horyimid qoraalkii uu soo saaray Cabdi Xaashi. Waxa uuna ku eedeeyay Cabdi Xaashi in uu ku xadgudbay xeer hoosaadka Aqalka Sare isla markaana uu ka been abuuray Aqalka Sare qorshahiisa.
Cabdi Xaashi ayaana lagu eedeeyay in uu si kutalagal ah u doonayo in uu dhabarjabiyo qorshaha la doonayo in dalka doorasho looga qabto. Cabdi Xaashi ayaa maanta soo saaray war saxaafadeed ka soo baxay Shir lagu sheegay in ay goobjoog ka ahaayeen Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka. Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June. Talaabadani ayaana ka horjeedo go’aankii loo midaysnaa ee labada aqal ee ahaa in bisha June 27keeda laga hadlo arintaan iyada oo la yeelanayo kulan labada aqal ah.
Halkaan ka daawo.