Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horaysay xaqiijiyay in uu iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye (Jawaari) oo si kooban ugu waramay BBC-da ayaa sheegay is casilaadiisa in ay ka dambeysay, kadib markii uu u turay shacabka Soomaaliyeed, danaha guud ee dalka iyo inuu burbur galo Baarlamaanka.
Barqanimadii maanta ayay ahayd markii Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka uu ka hor akhriyay qaar ka mid ah xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Jawaari in uu iska casilay kulankii lagu madalsanaana uu baaqday.
Maalinka Arbacada ah ee soo aadan ayaa waxaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu khudbad u jeediyo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu kaga hadlayo is casilaadiisa.
Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo aya Gudoomiye Jawaari ku cadaadiyay in uu iska casilo Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.