Gudoomiye Jawaari oo Sheegay In Xukumadu Aysan Iska Xiran Wadoyinka Balse Ay La Timaado Qorsho Lagu Sugo Amniga

Reading Time: < 1 minute

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xernaasha wadooyinka Muqdisho iyo dhibaatooyinka ay shacabka muqdisho ku qabaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in ilaalinta hantida iyo amniga muwaadinka Soomaliyeed ay Xukuumada Soomaaliya masuul ka tahay.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay la timado qorshayaal cad cad oo lagu xaqiijinayo amniga dalka oo aan ahayn in wadooyinka shacabla laga xero.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay awoodooda ku soo aruurtay keliya iney weerro gaadmo ah geystaan muqdisho.

Hadalka gudomiye Jawaari aya ku so aday xili sede cisho ay xirnayeen wadooyinka caasimada Muqdisho