Gudoomiye Jawaari oo Ka Hadlay Kulanki Xalay dhex maray Farmaajo”Is Casil Ayu Igu Yiri Farmaajo Ma Ahan Dhex Dhexaad”

Reading Time: < 1 minute

Iyado Xalay uu kulan ka dhacay Xarunta Madaxtoyada soomaaliya kulankasina uu udhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari aya waxa uu kulankaasi u ku dhamaaday in uu gudoomiye Jawaari la faray in uu is casilo balse uu isagu diiday.

Guddoomiye (Jawaari) waxa uu shegay in Madaxweynaha uu la kulmay isaga oo keliya, balse uusan kulan la yeelan xildhibaanada kale ee Ra’iisul Wasaaraha uu gadaal ka riixayo, taasina ay keentay inuu burburo wada hadalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo balse uu iska diiday, uuna u sheegay inuu sharci ku yimid, sharcina ku baxayo, cida baxeysana ay tahay Xukuumadda.

“Xukuumadda ayaa ku haboon in is casisho, maxaa yeelay khilaaf ayay abuureen, xildhibaano ayay handadeen, waa arrin qariib ah, aniga sharci ayaan ku imid, shari ayaana ku tagayaa, Is casili maayo, Is casili maayo, Is casili maayo, mar walba waxay joogtaa (Jawaari) is casil.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacaba.

Ugu dambeyn (Jawaari) ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay inuusan masuul ka aheyn wixii berri dhaca, waxna laga weydiin doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,