Warar dheeraad ah ayaa kasoo kordhaya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo lasoo sheegayo iney kordheen xildhibaanada mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa MUQDISHO ONLINE u sheegay in Xildhibaanada mooshinka ka wada ay gaarayaan ilaa 140 Xildhibaan, inkastoo xildhibaanada mooshinka wada ay sheegeen iney 184 yihiin.
Waxaase jira warar sheegaya iney weli socdaan isku keenida xildhibaanada, waxaase weli la diidan yahay in mooshinka laga laabto.
Gudoomiyaha lagu dhagan yahay ee Jawaari ayaa kulamo la leh xubno ka tirsan xildhibaanada dowlada, beesha Caalamka, iyo madax kale isagoo kala hadlaya in arintaan la dajiyo oo xildhibaanada lagu qanciyo in moshinka ay ka laabtaan.
Xildhibaan Abuukaate oo ka mid ah xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa xalay sheegay in RW kheyre uu isku bad baadinayo mooshinkan, hadii kale isaga xilkiisa mooshin laga keeni lahaa.
La soco WARARKII SOO Kordha Insha Allah