Taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo maanta la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad ayaa saddex qodob oo culus hordhigay Guddoomiye Jawaari inuu kala doorto.
Taliyaha Gen. Paul Lokech oo sheegay inuu ku qasbanaaday inuu kasoo baxo aagga dagaalka si uu u kala dhex galo Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa Prof. Jawaari ka hordhigay kala doorashada saddex arrimood oo kala ah:
1- In Baarlamaanka iyo xukuumadda ay isku raacaan inay AMISOM la wareegto ammaanka dhammaan Xarunta Baarlamaanka (Gudaha iyo dibadda) oo ay abuuraan xaalad xor ah (oo howsha Baarlamaanku ku socon karto).
2- Haddii Qodobka koowaad lagu heshiin waayo inaan geyno meel dhexdhexaad ah ( oo Baarlamaanku ku shiro).
3- Qodobka saddexaad oo ah kan ugu adag inay AMISOM faraha kala baxdo oo arrimahooda ay iyagu dhammeystaan.
Khudbadii uu Taliyaha AMISOM Gen. Paul Lokech u jeediyay Guddoomiye Jawaari, Mahad Cawad iyo qeyb yar oo ka mida Baarlamaanka ayaa dadku ku tilmaameen ayaandarro u soo hoyatay xildhibaannada iyo madaxa Soomaalida.