Gudoomiye Gobolka Banaadir oo lagu heley Musuqmasuq Baahsan. (Documents Cadeymo).

Reading Time: 2 minutes

Sida aan horeyba idiinkugu soo gudbinay Maamulka Gobalka Banaadir oo uu hurmuud ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Inj. Yariisow iyo KX Guddoomiyaha Xuseen, iyo tiro xildhibaano ah oo uu hormuud u yahay Xil. Mustaf Dhuxulow ayaa si aanan hore loo arag ay u dhacayeen Dakhliga dhaqaale ee laga uruuriyo shacabka iyo ganacsatada Muqdisho tan iyo markii ay xilka la wareegeen Gudoomiye Yariisow iyo Kooxdiisa Calooshood u Shaqeystayaasha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ka war heley Musuqmasuq iyo boobka joogtada ah ee loo geysanaayo dadka reer Muqdisho ee canshuuraad laga Ururiyo.

Bishii May 2018 Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u direy Hantidhowraha Qaranka si uu baaritaan ugu sameeyo Hanaanka dhaqaalaha iyo shaqooyinka Maamulka Gobalka Banaadir, maadaama ay cabashooyin badan Ka soo gaareen Madaxweyne Farmaajo ka shaqsi ahaan.

Xafiiska Hantidhowraha Qaran oo shaqadiisa gudanaya ayaa waxaa uu ku dhaqaaqey baarintaa kooban, isla Bishan November 17, 2018 waxaa uu soo saarey warbixin buuxda oo tilmaameysa Dhibaatooyin badan oo ay ugu weyn tahay xatooyo xoolaha dadweynaha., Maamul xumo, Wada shaqeeyn la’aan, ku tagri-fal awoodeed iyo islaxisaabtan la’aan xoogleh dhinaca shaqada iyo maaliyadda.

MOL waxay idin soo gudbineysaa documents cadeymo si aad u akhrisatid ugana bogatid heerka uu gaaray musuqmaasuqa ka jira Gobolka Banaadir.

Gunaanad: Ganacsatada iyo shacabka Muqdisho ee laga qaado canshuurta xad dhaafka ah waxay sugayaan talaabada uu qaado MW Farmaajo isla markaana sharciga la soo taago Gud. Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa iyadoo looga fadhiyo Madaxweynaha ballamihii uu qaaday ee aha in qofkii ay ku caddaato xatooyo iyo musumaasuq sharciga la horgeyn doono.

Halkan Hoose ka akhriso warbixinta baaritaanka Gobolka Banaadir

[su_carousel source=”media: 333864,333863,333862,333861,333860,333859,333858,333857,333856,333855″]