Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed ay wali ku dagaallamayaan degaano hoos yimaada degmada Maxaas.
Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana maamulka gobolka iyo Waxgaradka Hiiraan ay ku fashilmeen haginta dagaallada ka socda duleedka degmada Maxaas.
Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas shalay galintii dambe, xilli halkaasi ay ku sugan yihin gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ka baxay Magaalada Beledweyne.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in ay jiraan shaqsiyaad dhaqaallo ku bixinaya dagaalka ka socda degmada Maxaas.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay labada beelood in ay dagaalka joojiyaan,islamarkaana ay nabad qaataan, maadaama uu sheegay in ay muddo dheer ay dagaallamayeen