Gudoomiye Ciro iyo Madaxweyne Muuse biixi oo ay ka dhex-aloolsan tahay (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Afhayeenka xisbiga Mucaaridka Somaliland ee Waddani ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay shalay bartamaha magaalada Hargeysa gaadhigii gudoomiye Ciro ay wiish kaga dhex qaadatey isla markaana ay geysatay xerada ciidanka Birmadka .

Xisbiga ayaa waqti kooban xukuumadda uqabtay taasi oo ku saabsan in degdeg lagu soo celiyo Gaadhiga gudoomiyaha oo ay ku tilmaameeyn in sharcio darro ay tahay talaabadaasi.

arrintaan ayaa waxaa ay abuurtay xiisad xoogan,waxaana ilaa iyo haatan aysan faah-faahin ka bixin xukumadu sababta falkaasi.