Gudoomiye Cawad oo Jawaab Dastuuri ah oo ka Nixisay Kooxda Qiyaano Qaran ujeediyay C/wali Muudeey!!!

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey ayaa maanta shaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari).

Wuxuu sheegay Guddoomiye Mahad Cawad in go’aankaas aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa, wuxuu kaloo sheegay in Guddoomiye Muudey aanu Ku sime aheyn, maadaama Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu joogo.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Cawad in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad uusan go’aamin karin xilliga uu furmayo kulanka codka kalsoonida loo qaadayo Guddoomiye Jawaari, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Jawaari uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Khilaafka ka dhexjira Baarlamaanka ee garab ka mid ah ay dagaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu dhameeyo arrintan.

Halkan Hoose ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.