Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo goor dhow warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan shaqaallaha kala duwan ee Golaha Shacabka in aysan ka qeyb qaadanin Khilaafka soo gala dhexgalay Golaha Shacabka.
Waxaa uu sheegay in guud ahaan laga doonaayo shaqaallaha iyo maamulka Golaha in aysan ka qeyb galin Khilaafka cusub ee Guddoonka si loo ilaaliyo Hantidada iyo dhammaan Ammaanka xarunta.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad oo kasoo horjeedda Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale tilmaamay in xarunta aysan ku shiri karin Xildhibaanada kala soo horjeedda.
Waxaa uu xusay in ay diyaar u yihiin in ay Gudoomiyaha Golaha ay kala heshiiyaan dhismaha Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo horay looga kala diray.