Gudoomiye Baashe iyo wasiirka Cadaalada maxeey isku qabteen (Khilaaf culus)

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda sare ee dalka iyo Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isku heysta dhismaha Mahad-ka tababarka Garsoorka iyo magacabista Garsoorayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo qaabilsan imtixaan ka qaadista iyo shaqaaleynta Garsoorayaal iyo kaaliyeyaal cusub oo ka bannaan garsoorka dalka, arrintaas oo uu ka hor yimid wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji.
blank

Qoraalo ay is weydaarsadeen labada mas’uul ayaa waxaa ku cad in Maxkamadda Sare ay hareer martay qaabka sharciga ah, sida uu qoraal kooban 4 bog ku caddeeyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya; waxayna labada hay’adood noqonayaan kuwii ugu danbeeyay ee is qabsada, kana tirsan dowladda Somalia.

JAWAABTA WASAARADDA CADAALADDA XUKUUMADDA SOMALIA

blank
blank