ku dhawaad sadax musharax ayaa maanta ku tartamaya doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusomareeb.
Hoolka doorashada ayaaa la diyaariyay waxana la dhigay santuuqa codadka doorashada iyadoo xildhibaanada Galmudug badankodda ay gaareen dhuusomareeb.
Doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka Ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan xilkaasi laga qaaday gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal casir.
Dhanka kale waxaa wali taagan khilaafka Galmudug oo aan heshiis laga gaarin iyadoo xubnaha qaarkood xilkooda ku waayeen khilaafka taagan