Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir oo laga yaabo in Xilalka Si Deg Deg ah looga qaado!!

Reading Time: < 1 minute

Waxaa warar hoose ee soobaxaya ay sheegayaan in uu socdo ololihii u danbeeyay ee lagu doonaye in xilka looga qaado gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho eng yariisoow kasi oo noqon waayay mid u diirnaxa shacabka iyo sidoo kale mid qaadan waaya amarada dalka lagu duminayo ee kaga imaanayay kheyre iyo farmaajo .

Xafiiyada farmaajo kheyre ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay araajida ay siyaasiyiin dhowr ah geysanayaa si ay u noqdaan badalka yariisoow oo noqday eey calooshiis u shaqeeyste ah.

Eny yariisoow ayaa lagu helay inuu akoonadiisa gaarka ah ku shubto lacagaha gobolka u qaado canshuuraha kuwaasi oo cabasho badan ay shacabka caasimada ka keeneen.

Waxaa lumay xiriirkii wadashaqeeneed ee gobolka banaadir uu la lahaa xafiisyada r/wasaaraha iyo wasaarada arrimaha gudaha taasi ayaana keentay in seefta gasha loogala baxo mr yes man.

Sikastaba ha  ahaatee haatan kaliya waxa uu ismarin waa ka taagan yahay cida lagu badali lahaa eng yariisow maadaamada farmajo iyo kheyre ay laba qof kala wataan kheyre waxaa uu doonayaa badalka yariisow In laga dhigo wasiir abuukar islow ducaale xilli uusan wali aan la shaacin magaca qofka uu dooonayo inuu noqdo badalka duqa magaalada.