Hadalheynta in uu jiro Banaanbax ay abaabulayaan dadka Shacabka gaar ahaan Gaadiidka dadweynaha ayaa xoogeysatay Saacaddihii ugu dambeeyay, waxaana jira maalmihii lasoo dhaafay kacdoon arintaasi ku aadan oo ka socday Baraha Bulshadda.
Banaanbaxa ayaa laga cabsi qaba in uu dhaco maalinta berri ah, waxaana dowladda Soomaaliya ay maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Ciidamo loogu tala galay in ay ka hortaggaan rabshaddaha.
Dhanka kale Warar ay heshay MOL ayaa waxaa ay sheegayaan in Gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir in lagu wargeliyay in degmooyinkooda aan lagu qaban karin wax banaan bax
Mas’uuliyiinta Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidankaan loogu tala galay in ay ka hortaggaan Banaanbaxyadda.