Gudoomiyayaal Degmo iyo Xildhibaano lagu Dilay Weerar ka dhacay Balcad Iyo Jowhar inta u dhaxeeysa

Reading Time: < 1 minute

Wararka Nagasoo gaaraya wadada xariiriso Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa ay sheegayaan in kalonyo galbineeysay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ay jidka u galeen dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Weerarka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeryooday dad kor u dhaafaya ilaa iyo 5-ruux oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada raagga-Ceelle ee Gobolka Sh/dhexe.

Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sidoo kale waxaa ay tilmaamayaan in gurmad ciidan oo ka soo baxay Degmada Jowhar uu gaaray Halka weerarku ka dhacay.

                    Warkaan Waxii kusoo kordho lasoco Insha’alla