Muuse Geelle Yusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, isagoo helay codod dhan 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay 11 cod.
Muuse Geelle ayaa si weyn looga ololeynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo garab ka helayay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Sidoo kale C/raxiin ayaa isna taageero ka helayay Villa Soomaaliya. Villa Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii ay ku heli laheyd guddoonka Guddiga balse waa ku guuldareystay.
Doorashada Muuse Geelle ayaa loo arkaa in aay tahay jabkii ugu horreeyay ee soo gaara Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo ayaa qorsheynayay in uu Doorashada ku boobo qaab musuq ah isagoo soo xulanayay dhammaan guddiyada Doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.