Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Hiirshabeelle oo wajahaya xilka kaqaadis kadib xil gudasha la,aan lagu eedeeyay

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirashabeelle ayaa waxa ay cod dheer kusheegeen in ay Xilka ay kaqaadi doonaan Gudoomiyaha Golaha Wakilada Maamulkaa Sheekh Cusmaan Barre kaa oo ay sheegeen in uu gebay shaqadii loo idmaday.

Kulan ay kuyeesheen Qaar katirsan Xildhibaanda Maamulka Hiirshaeelle Mgaalada Jowhar ayaa waxa ay go,aansadeen in xilka ay ka qaadaan Gudoomiyah Golaha Wakilada maamulkaa oo ay ku dhaliilayaan xil gudasha la,aan.

Sheekh Cusmaan Barre iyo kuxigeenkiisa ayaa waxa ay hada kusugan yihiin Magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan halkaa oo uu kasocda gurmadka loogu jiro Dadka ay fatahaaduhu sameeteen.

Maahan markii ugu horaysay oo Golaha Wakiilada Maamulka Hiirshabeelle ay sheegaan in xilka ay kaqwaadayaan Gudoomiyaha Barlamaanka waxaana Baarlamaanka Hiirshabeelle lagu tiriyaa in  uu kamid yahay Baarlamaanda ugu fadhiidsan Maamulda Dalka kajira.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!