Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  Yariisoow oo la diyaarinaayo shaqsigii lagu Bedeli lahaa??

Reading Time: < 1 minute

Dhawaan waxaa soo ifbaxay khilaaf xoogan oo ka dhex curtay R/wasaare Xassan cali kheeyre iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow taasi oo la Rumeeysan yahay in ay soo dadajineeyso Rajada xil heeyneed ee Yariisoow.

Warar Hoose oo ay Heshay Muqdisho Online ayaa waxaa ay sheegayaan in Xafiiska R/wasaare Kheeyre laga diyyaariyay shaqsi lagu bedelo Gudoomiye yariisoow maadaama uu diiday Dhowr amar oo uu soo faray Xassan Cali Kheeyre.

C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhawaan si cad u sheegay in shaqadda uu ka wadi la’yahay shaqsiyaad lagasoo abaabulay Xafiiska R/wasaare Xassan Cali kheeyre.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu R/wasaare kheeyre ka Codsaday in uu sugo ilaa ay ka dhamaaneeyso Bisha Ramadaan ka dibna la bilaabo duulaankii lagu eryi lahaa C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Waxaana shaki ku jirin in Gudoomiye yariisoow oo lagu xanto in uu ’’yes man’’ u yahay Kheeyre  in waqtigaan  la eryaayo hase’yeeshee waxaa hadana lasoo magacaabi doonaa shaqsi kale oo aan dhaamin yariisoow taas oo ka dhigan in Gobolku yahay Beeylah aan dad laheeyn islamarkaana hadba sidii la rabo laga yeesho.