Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Ciidamada Amaanka Ay Gacanta Kusoo Dhigeen 3 Ruux Oo Ku Lug Lahaa Dilkii Axmed Dowlo

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow aya Goordhow shaaciyay in gacanta lagu dhigay Saddex ruux oo ka dambeeyey dilkii iyo gubistii Marxuum Axmed Dowlo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Ciidanka Booliiska ay guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo.

“Waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada. Waqtigii danbiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

sikastaba ha ahaatee ehelada marxuum axmed dowlo ayaa dowladda soomaaliya horay kaga dalbaay in caadalada la horgeeyo dadkii ka danbeeyay dilkii axmed dowlo