iyadoo ay jiraan tuhuno la xiriira musuq maasuq ka jira gobolka banaadir ayaa hadana haatan waxaa soo ifbaxday in duqa magaalada muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka banaadir eng yariisoow uu si qarsoodi ah lacago uu u siiyay xildhibaano katirsan baarlamaanka soomaaliya.
sababta dhabta ah ee ka danbeysay in gudoomiye yariisoow uu lacagaha u siiyay xildhibaanda katirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay in uu taageero uu maamulkiisa ka helo golaha shacabka.
arrintani ayaa qeeyb ka noqoneysa musuq maasuqa xoogan ee ka jira maamulka gobolka banaadir taasi ayaa sabab u noqon karta inuu hoos u dhaco dhaqaalaha kasoo xarooda caasimada ee la doonayo in lagu maalgaliyo caasimada dalka.
sikastaba ha ahaatee waxaa jira baaritaaano la xiriira musuq maasuqa kajira xafiiska gudoomiye yariisoow oo haatan socda kuwaasi oo maalmaha soo aadan lasoo bandhigi doono waxa kasoo baxa baaritaanadaasi.