Muqtaar Maxamed Cali Oo ah Falanqeeye Siyaadeed ayaa ka baaq u diray madaxda sare ee dalka isagoo ugu baaqay in la eryo gudoomiyaha gobolka banaadir maadaama uu gudan la yahay waajidbaadkiisa
Muqtaar Maxamed ayaa Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Eng Yariisow ku eedeeyay inuu lunsaday lacagihii loogu talagalay horumarinta caasimada wuxuuna intaasi ku daray tan iyo markii la magacaabay yariisoow inuusan wax isbedel ah ka sameeynin magaalada muqdisho ooo la filayay inuu isbedelo waa weeyn kusoo kordhin karo kadib markii uu badalay thaabid
Eng yariisow ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay mid isaga magacaaban gobolka banaadir balse aanan kala oogeeyn halka ay marayaan howlaha gobolka iyo dib u dhaca ku yimaaday horumarada caasimada isagoo kaliya eega canshuuraha laga sooqado shacabka muqdisho siduu uu ugu shuban lahaa akoonadiisa qaaska ah taasoo lagu macneeyay iney tahay qiyaano qaran
Duqa muqdisho ayaa wax ka qaban waayay amniga caasimada iyadoo maalin waliba falal amni daro ay ka dhacaan magaalada muqdisho
Falanqeeye muqtaar maxamed cali ayaa sheegay in haatan loo baahanyahay inuu isbedel lagu sameeyo gudoomiyaha gobolka si loo badbaadiyo 3 milyan ee ku nool caasimada
Sikastaba ha ahaatee gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho ayaa laga yaabaa iney ku timaado seefta madaxweyne farmaajo maadaama uu la kulmayo eedeymo dhowr ah oo kaga imaanayo bulshada ku nool caasimada