Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Bilaabay Boobka Dhulka Danta Guud Iyo Gadood shacab oo ay suuragal tahay in uu Bilaawdo?

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo ay horay usoo jiitamayeen eedeemo la xiriira in gudoomiyaha gobolka banaadir eng yariisoow uu si barer ah uu u iib geeyay hanta dadweeyne ayaa hadana haatan waxaa mar qura soo ifbaxay in eng yariisoow uu dad qurba jog ah uu ka iibiyay kawaankii malaayga ee degmada c/casiis.

Iibintii yariisoow ee kawaanka degmada c/casiis waxa ay niyad jabisay shacbiga ku nool muqdisho iyagoo ka niyad jabay in maamulka haatan muqdisho ka jira in uusan hormar soowadin iyagoo shacabka muqdisho ku nool fahmay in maamulka yariisoow uu ka dhamaan la yahay gadashada hantida dadweynaha sidaas daraadeedna loo bahanyahay iney kacaan shacabka caasimada.

Waxaa soconaya banaanbaxyo looga soo horjeedo dhaca bareerka ah ee uu ku kacayo gudoomiyaha gobolka iyagoo la filayo iney banaabaxyo balaaran iney dhacaan maalmaha soo aadan.

Sikastaba ha ahaatee shacabka muqdisho ayaa waxa ay dowladda soomaaliya ka dalbadeen in baaritaano lagu sameeyo musuqa ka jira maamulka sare ee gobolka banaadir.