Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho eng yariisoow ay markaan soo wajaheyso cabsi ku aadan in xilka laga qaado maalmaha soo aadan
Waxaa olole balaaran oo la doonayo in xilka qaadis loogu sameeyo gudoomiyaha gobolka uu ka socdaa xafiisyada farmaajo iyo kheyre iyagoo kala wata 2 shaqsi oo ay u arkaan inuu u fulin karo danahooda gobolka oo qaata amaradooda.
Xasan cali kheyre ayaa waxa uu wataa wasiirka amniga abuukar ducaale islow waxaa uuna rabaa inuu badalo eng yariisoow oo ay isku fahmi layihiin maamulida mashaariicda caasimada.
Geesta kalana madaxweyne farmaajo wuxuu rabaa inuu ka dhigo badalka yariisow wallow shaqsikaas aan weli la shaacin magaciisa.
Sikastaba ha ahaatee yaariis ayaa inta badan lagu eedeeyay inuu musuq maasuqay mashaariic looga talagalay in lagu maalgaliyo caasimada isagoo lacagihii loogu talagalay mashaariicdaasi ku shubtay akoonadiisa gaarka ah.