Gudoomiyaha G/Banaadir oo lakulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Cumar Finish iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota Caasimadda.

Kulanka kadib ayaa Duqa Muqdisho iyo Safiirka Midowga yurub waxa ay si wadajir ah u daahfureen Mashruuca Saanqaad oo ah mid uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa uu u mahaceliyay Mr. Nicolás Berlanga Martinez, wuxuuna sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalada lagu hormarinayo Caasimadda dalka ee Muqdisho.