Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kol sii horeeysay waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Maxamed Cabdulle Fiidoow ,waxaana xilkaasi kasoo horjeestay Gudoomiyaha oo sheegay in aanu xilka ka qaadi Karin Waare.
Maxamed Cabdulle Fiidoow waxaa uu sheegay in Xil ka qaadistiisa in aanu loo marin sifo sharci ah sidaas awgeedna uu gudoomiye ku yahay,waxaa uu carabka ku dhuftay in Nidaam cad hadii xilka laga qaado uu xilka wareejinaayo.
Gudoomiyaha waxaa uu sidoo kale sheegay in Xafiiska uu hada kusii shaqeeyo uu yahay midka degmada,amniga iyo Isdhexgalka Bulshadana uu wax wanaagsan ka qabtay