Gudoomiyaha Degmada Howl-wadaag oo Shaqadiisa Gebay Iyo Shacabka oo Qaati Taagan+Dhac iyo Boob Socda!!

Reading Time: 2 minutes

Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Caadiyan waxba is-dhaamin xil gudasho La’aanta hadana waa ay sii kala daran yihiin c/kariin Cali Kaar Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag waxaa uu noqday shaqsiga ugu liita Gudoomiyayaasha.

Degmada waxaa ka socdo Boob xoogan oo dhinaca dhulka ah waxaa jira Amni daro xoogan tiiyoo ay usii dheertahay lacago xad-dhaaf ah oo dadka laga qaadaayo,MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay idinsoo gudbineeysaa Dhibta xaqiiqda ah ee Jirta.

Sidoo kalena Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa ad ugu cabanaya Tuugo galinka dambe maalinkii dhac ka geesta suuqa.

Mid ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa ii sheegay, in buracaddan ay qaadanayaan lacagaha iyo taleefannada gacanta mararka qaar ay xoog ku doonayaan in loogu furo accounts-ka baqaaarada.

Waxa u tilmaamay in dowladda federaalka looga fadhiyo sidii ay wax uga qaban lahayd burcaddan, waxana uu sheegay in maamul Gobol mid degmaba aysan waxba ka qaban.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Tuugada wax dhaceysa ay ka mid yihiin askarta degmada madaama uu yiri ay wataan dharka ciidanka qaarkood.

‘’Sidan ka muuqata sawirka waa fakirka Ay qabaan Dhalinyarada degmada howlwadaag waa qoraal uu ii soo qoray mid ka mid dhalinta howlwadaag.

Sidoo kalena Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa ad ugu cabanaya Tuugo galinka dambe maalinkii dhac ka geesta suuq’’

Abdirahman Omar Osman Gudoomiye soo ma mudna nin aan ka shaqayn Nadaafada, naleynta iyo nabad galyada degmo xil ka qaadis madaama shaqadiisii uu dayacay.

Shacabka howlwadaag waa ay ka mideysan yihiin Fashilka ka jira maamulka Howlwadaag, soo ma mudna shacabka howlwadaag in ay helaan adeegyada aa-saasiga ah ee degmooyinka kale ee helaan.

Masuq maasuqa waxaa ka mid ah midka xil gudasho la’aanta waa qayb weyn oo masuq maasuq ah, ee yariisow kaas la dagaal.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!