Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan Iyo Ku-Xigeenkiisa Maaliyadda  oo Khilaaf Cusub ka dhex-curtay+Shaqsiyaad Badan oo la Xiray

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo Markii la magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Daba Geed) ayaa waxaa soo soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya Wasaarada maaliyada Maamulka Hirshabelle iyo Maamulka Gobalka Hiiraan

Shalay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa  uu xabsiga u dhigay  dhamaan shaqaalihii maaliyada ee ku sugnaa  Magaalada  Beledweyne kaddib markii ay  ku murmeen arrimo la xiriira dhaqaale.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in tahay kadib markii  Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan uu weydiistay maamulka maaliyada ee ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan dhaqaale , inkastoo go’aankaasi ay ka horyimaadeen Xubnaha Maaliyada, arintaasi ayaa waxaa ay keentay in khilaafka uu soo ifbaxo.

Saameynta Khilaafka u dhexeeya Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo wasaarada Maaliyada  ayaa waxaa laga dareemayaa Gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Shaqada ka socotay qeybta Wasaarada maaliyada ee magaalada Beledweyne ayaa Haatan la soo sheegayaa in ay istaagtay, iyadoona weli Wax war ah aan ka soo baxay Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada ee Maamulka Hirshabelle.

Is qab-qabsiga iyo Muranka ayaa inta badan  waxaa uu soo kala dhex galaa Maamulka maaliyada gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha cusub ee markaasi la magacaabo, balse waxaa xusid mudan in muddo labo sano ah ilaa shan guddoomiye loo magacaabay Gobalka hiiraan, iyadoona badanaa ay isku dhacaan maamulka Maaliyada Gobalka Hiiraan iyo Gudoomiyaha markaasi xilka haya.