Sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada Daayniille Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa awood u adeegsanaayo qaabkii uu ku burburin lahaa Maamulka deegaaankaasi asigoo adeegsanaayo Ciidamo u gaar ah oo u abaabulan qaab qabiil.
Maxamed Abuukar Jacfar Hadal uu dhawaan jeediyay ayuu ku sheegay in garasbaaleey ay tahay deegaan hoos-tago degmadiisa islamarkaana ayna jiri karin cid aan asiga aheeyn oo ka talin kareeyso.
Ibraahim Maxamed Rooble oo ah Gudoomiyaa Deegaanka Garasbaaleey oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa sheegay in Askar ka tirsanaa Ciidamadda ilaalada deegaanka la afduubtay loona kexeeystay dhanka Degmada Daayniille,waxuuna arinkaan ku eedeeyay Maamulka Degmadaasi.
Dhanka kale Ibraahim Maxamed Rooble waxaa uu xusay in Maamulka Deegaanka Garasbaaleey uu aqoonsan yahay Maamulka Gobolka Banaadir,sidaasi oo ay tahayna ayna rabin in waqtigaas dagaal iyo is-qabqabsi uu dhaco.
Gudoomiyahu waxaa uu sheegaay in Xeer ilaalinta iyo Hay’addaha Dowlada ay ku wargeliyeen faragelinta Maamulka Degmada daayniil,kuwaasi oo uu sheegay in ay rabaan dagaal ka dhaco deegaanka.
Deegaanka Garasbaaleey waxaa uu hoos tagaa Degmada dayniile waxaana hada socdo,dadaalo lagu doonaayo in deegaankaasi lagu degmeeyo.