Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Mursal oo isku Bedelay Afhayeenka Madaxweyne Farmaajo(Aqriso cadeeymo)

Reading Time: 2 minutes

Rajada laga filan karay markii la doortay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Shiikh Mursal ayaa aad u yareed  taasi oo ayna Bulshada soomaaliyeed ku qanacsaneynin Maadaama Rabitaanka Kooxda Qiyaano Qaran uu ku Yimid.

Maxamed Shiikh Mursal Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaana la arag asigoo qabanaya mid ka mid ah Waajibaadkii loo doortay ,waxaana uu noqday mid maray tubtii loo saadaalinaayay.

Shaqadda Kaliya Ee uu qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Mursal Ayaa ah in uu soo bandhigo Safarada Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka dibadiisa,iyo howlaha caadiga ah ee uu qabto.

Dadka Qaarkii ayaa aaminsan in Maxamed Shiikh Mursal uu isku bedelay Afhayeenka Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka ah Ee Soomaaliya Islamarkaana Aanu Aheeyn Gudoomiyaha Golaha shacabka Marka loo eego Howsha war-baahineed ee uu qabanaayo.

Bartiisa Twiiter-ka ayuu kusoo qoraa Safarka Madaxweeynaha Howlaha Dowladda Sida Magacaabistii 3-Safiir Ee Dhawaan ay Magacaabeen Golaha Wasiiradda Sida aad ka arkeeysaan Sawirkaan.

Gudoomiye ma ahan inaad gasho Howl aan laguu  igman adigoo ka durgay midi shacabka kaa sugayeen islamarkaana laguu doortay