Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo lagu Eedeeyay in uu Lunsaday Lacago loosoo Aruuriyay Dadkii Zoobe!!

Reading Time: < 1 minute

Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa lagu eedeeyey lunsashada lacago qaarkood xildhibaanada laga aruuuriyay,isla markaana loo waday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay 14,kii Octoper Sanadkii tegay ee 2017 Isgoyska Zoobe ee magalada Muqdisho

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo dhawaan dacwad uu ugu gudbiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle guddiga Anshaxa Baarlamaanka ayaa sheegay in waxkasta oo uu sheegay ay dhab yihiin.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dhacdadii 14,kii Octoper  lacag loo aruuriyay,isla markaana xildhibaannada laga qaaday in lagu shubay Gacanta Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed,balse meel ay aaday ilaa iyo hadda la la’yahay. 

Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa eedeyn u jeediyey guddoomiye Cusmaan BArre oo uu sheegay in dhaqaalo farabadan uu lunsaday.

Sikastaba weli wax jawaab ah kama bixin eedeynta loo jeedinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed taas oo ku saabsan in lacago loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Zoobe in uu lunsaday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!