Gudoomiyaha Baarlamaanka Hishabelle oo ka mushaar badan Gud. Baarlamaanka dalka Canada. Dalkaan halkee loo wadaa?

Reading Time: < 1 minute

Mushaarka uu qaato Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Shiikh Cusmaan Barre ayaa ku labo laabmo mushaarka uu qaato Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Canada Mudane  Geoff Regan.

Mushaarka uu qaato Shiikh Cusmaan Barre ayaa ah bishii $ qaata $10,000 (tobon kun) oo ah mushaarka rasmig  uu qaato , $3,000 (sadax kun) waxaa lagu bixiyaa deegaankiisa iyo mushaarka. Dhanka kale mushaarka  shaqaalhiisa  aya laga bixiya qasnada  Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Mar lagu isku daro lacaga uu qaato ayaa waxa  ay gaareysaa  $17,000 bil kastaa. Halka Gudoomiha Baarlamaanka Canada Mudane  Geoff Regan ay bishii ku baxdo in ka yar $13,000 oo ah lacagta Maraykana oo marka loo badalo lacagta doolarka Canada ay noqonayso $15,000 oo doolar.

Waxan dowlada uu hogaamiyo Maxamed Cabdi Waare uusan bixin mushaarka joogtada ee la siiyo askarta, wasiirada iyo shaqaalaha dowlada halka gudoomiye baarlamaanka oo aan lahayn garaad iyo aqoon u ku mutaysatay la siiyo  lacag intas ii uu u qaato si joogtaah. Waxaa dad badan is weydiinayaan mar hadii Gudoomiyaha uu qaato in ka badan $17,000 bishii imisa ayuu qaataa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare?.

Sidoo kale dad badan ayaa iyagana is weydiinaya sababta keentay in hantida qaranka sidaas loogu tagri falo. Dalkaan halkee loo wadaa?