Cabdi Xaashi Cabdullaahi gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ugu horeyn ka warbixiyay shir uu Turkiga kaga soo qeyb galay oo looga hadlayay Falastiin.
Gudoomiye Xaashi ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadalka gudoonka golaha Shacabka maalintii shalay ku dhexmaray Muqdisho, waxa uuna ku bogaadiyay in ay ugu dambeyn isasoo hor fariisteen.
“Waan ku hambaliyeenayaa Gudoonka iyo xildhibaanada golaha Shacabka ee soo qaban qaabiyay kullankaasi, Soomaaliya nabad ayey rabtaa waana wax wanaagsan in labbadii is khilaafaaba ay ugu dambeyn wadahadal ku xaliyaan khilaafkooda” ayuu sheegay Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Wadahadalkii ugu horeeyay oo ay yeesheen gudoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka u dhaxeeyey ayey isku af garteyn in ay sii wada shaqeeyaan.
Hase ahatee si faah faahsan kagama aysan hadal waxa ay isku afgarteyn, iyo waxa laga yeelayo arrimihii sababay khilaafkooda oo ay ka mid tahay kala diristii guddiga maaliyada ee golaha Shacabka iyo qabashadii Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo uu gudoomiye Mursal qabtay kol sii horeysay.