Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Shacabka Soomaaliyeed u Shegay In Dalka uu Ka Dagi La’yahay Masuuliyiin Dano Gaar Ah Leh

Reading Time: < 1 minute

Xilli ay jiraan Xiisado Siyaasadeed oo u dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Xukuumada Soomaaliya aya waxaa arinkaasi xalinteyda diidan oo qas xoogan ka haya Xukuumada Soomaaliya oo garab ka heleyso Saxibadeeda Qiyaano Qaran.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan dad dana gaar ah wata, islamarkaana waxyeelo kala duwan ka geeysta dalka.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Soomaaliya aan looga cararin baahi weyn, balse arrimo ay kaliftay qabyaalad looga tago dalka.

Waxaana uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan arrimahaasi, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka Qaranka Soomaaliyeed.

Xukuumada uu hogaamiyo Xasan Cali Kheeyre iyo Saxibada Qiyaano Qaran aya ku dadalaya in Guud ahan ay maamulaan Dalka iyado ku dadaalaya in Hey’ada Sharci Dajinta ay ku cadaadiyaan in ay fuliso danahooda Gaarka ah.