Iyado Maanta lagu kala tagay Xarunta Golaha Shacabka Xili uu ka bilowday qas iyo foodo iyado Jidadkii muhiimka ahaana ay Xiratay Xukuumada Kheeyre aya waxa Shir jaraa’id Muqdisho warbaahinta ugu qabtay Gudoomiye Jawaari..
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay u diideen in galaan xarunta.
Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug.
Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa.
Taliyeyaasha ciidamada ayuu ugu baaqay in aysan ku dhexmilan siyaasadda Wareersan sidda uu sheegay Gudoomiye Jawaari, islamarkaaana ay wax ka qabtaan Howlaha Amniga.
Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku milmay Siyaasada qasan ee Xukuumada iyo Madaxweynaha iyagona saxaafada ku baahiyay dhaliilo ay u jeediyeen Gudoomiye Jawaari iyado Saaxibada Madaxtooyada ay amusnaantooda ku fushanayaan wixi ay dooonaaan iyago Taliska Ciidanka ay yihin Talis magacaaban oo fulunaya wixi la faro.