Gudomiye Jawaari oo Ka Hadlay Sababta Lo Baajiyay Kulanka Golaha Shacabka Iyo Codsiga Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka in la hakiyo uu ka socdsaday madaxweyne Farmaajo,isla marakana uu ka aqabalay.

Isaga oo faah faahinayay kulan xalay ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo isaga iyo labadiisa ku xigeen si xaalada loo dejiyo.
“Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxana la kulanay madaxweyne Faramajo waxana ka codsanay in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee manta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka amaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ayuu yiri Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari”

Xiisada Siyaasadeed ee dalka ayaa gaartay meeshii ugu darneyd,waxana saakay inta badan la xiray Wadooyinka waawyen ee Muqdisho wallow markii dambe dib loo furay.