Gudomiye Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado Waa Baarlamaanka oo Albaabada loo laabo (AKHRISO)

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdi shire oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Cabdi shire ayaa Gudoomiye Jawaari sidoo kale ku tilmaamay in uu yahay nin Sharci yaqaan ah,hadii xilka laga qaadanay ay la mid tahay in baarlamaankii irdaha loo laabay.

“Isku dayga in xilka laga qaado , Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaan u arkaa mid aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada saxiixay moowshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya marxalada dalku ku sugan yahay”

Dadku waa banii’aadmi, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in uu galay gudoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin. Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci, waayo-aragnimo , maanta ma noola qof Soomali ah oo leh. Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo iyo in lagu laabto waayadii baarlamaanka nin furaha jeebka isaga heysan jiray”

Waxa weli taagan xiisada ka dhalatay mooshinkii ay xukuumadu ka kentay gudoomiye jawaari taas oo sababtay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay labo u kala qeybsamaan.