Gudomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Ciro”Muusa Biixi Ha Is Casilo Shacabkana Haka Codsado Cafis’

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ee Somalinad Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cinro oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihi hore Siilaanyo ka dib hadlki shalay kaso baxay wasiiru dowlada arimaha dibada ee dowlada Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash.

Mr Anwar ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliland aysan la laheen wax xiriir ah oo yasan ugu furneed Qunsul iyo safaarad intaba.

Gudomiye Ciro oo ka hadlayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliland aya shegay in uu mudan yahay in la soo taago Maxkamad, isagoo sheegay in uu Khiyaanay Soomaaliland Dastuurkana uu jabiyay.

Madaxweynaha hada talada haya ee Muusa Biixi Cabdi ayu baaqay in uu is casilo shacabkana uu ka codsado Cafis.
Cabdiraxmaan Ciro ayaa ugu dambeyb ku baaqay in la qabto doorasho deg deg ah si loo bad baadiyo Soomaaliland.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!