Gudiyada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Kasoo Horjeestay Shirka London Ka Qabsoomi Doono

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Kheyraadka Qaranka ee Aqalka Sare ayaa ka soo horjeestay shirka looga hadlayo arimaha Shidaalka oo beri ka furmaaya  Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

War saxaafadeed uu ku saxiixan yahay  Gudoomiyaha Guddiga Keyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha, iyo Gaadiidka ee Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare Senator Ilyas Ali Hassan  ayaa lagu sheegay in shirka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu yahay mid aan waafaqsaneyn sharciga.

Guddiga ayaa sheegay in aan weli laga ansixin Baarlamaanka Sharcigii Batroolka iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa soo saarista kheyraadka dalka.

Akhriso War saxaafadeedka Guddiga:-