Gudigii uu magacaabay Wasiir Qarafaan oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

Reading Time: < 1 minute

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ay magacowday wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona halkaasi la geeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xubnaha guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa ka kooban 13 xubnood, iyagoo marka ay yimaadaan Dhuusamareeb ay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadan doonaan wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo xiligan jooga Magaaladaas.